Qarax ka dhacay gudaha Xabsiga dhexe ee Muqdisho

0

Inta la xaqiijinayo labo qof ayaa ku dhimtay weerar ismiidaamin ah oo goor dhaw ka dhacay masjid ku yaala gudaha xabsiga dhexe oo ku yaala degmada Xamar –Jajab meel aan ka fogeyn dekedda Muqdisho.

Askari ka tirsan ciidamada iyo qofkii weerarka geystay ayaa la sheegay in ay ku dhinteen qaraxa oo lagu bartilmaameesaday taliyaha ciidamada asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Xusseen Cismaan oo wax yar uu ka hor soo gallay gudaha xabsiga.

Falkan is qarxinta ah ayaa gaar ahaan ka dhacay ilinka hore masjid ku yaala gudaha xabsiga oo xiligaa ay dadku ku tukanayeen Salaada Jimcaha.

Masaajiidkan uu qaraxa ka dhacay  ayaa la sheegay in ay ku tukadaan saraakiisha xabsiga, kuwa maxkamadaha iyo shaqaalaha.

Laamaha amniga ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan la xiriira qaraxa iyo qofka weerarka geystay intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here