Natiijada doorashada Kenya oo mar dhow lagu dhawaaqayo

0

Xarunta Bomas ee dalka Kenya waxaa ku sugan xilinga guddiga doorashada Kenya ee IEBC oo lagu wado in goor dhaw ay halkaa uga dhawaaqaan natiijada rasmiga ah doorashada madaxweynaha Kenya.

Sidoo kale, waxaa xarunta jooga oo halkaa ku suganaya natiijada Siddeeda musharax ee u tartantay kursiga madaxweynaha oo ay ka mid yihiin Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga oo ah labada nin ee xiisadu ka dhex oogan tahay.

Korjoogtada caalamiga ah iyo wafuud ka kala socta beesha caalamka ayaa la filayaa Iyaguna ay goob joog u noqdaan ku dhawaaqista natiijada.

Dadka reer Kenya ayaa dhagta kor u haya islamarkaana si dhaw ula socda ku dhawaaqista natiijadan, waxaana jirta cabsi laga qabo rabashado dhici kara haddii ay guddigu shaaciyaan in Uhuru Kenyatta yahay madaxweynaha dalka.

Mucaaradka ayaa maalintii shalay ku dhawaaqay natiijo iyaga u gaar ah, waxaana ay sheegeen in Raila Odinga yahay shaqsiga ku guuleystay doorashada kana filayaan gudiga in ay ku dhawaaqaan.

Natiijada waxaan idin ku soo gudbin doonnaa sida ugu dhaqsiyaha badan marka ay ku dhawaaqaan guddiga doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here