Mid ka mid ah mucaaradka dalka Jabuuti oo geeriyooday

0

Sida laga soo xigtay xubin ka tirsan guddiga Xuquuqda Aadanaha dalka Jabuuti waxaa xabsiga dalkaas ku geeriyooday Maxamed Axmed Jabha oo la sheegay in uu ka tirsanaa jabhadda FRUD ee mucaaradka dalka Jabuuti.

Mas’uulkan ayaa la sheegay in uu dhintay Talaadadii aynu soo dhaafnay laakiin hadda uun la shaaciyay geeridiisa, iyadoo muddo dheer lagu waramayo in uu xabsiga ku jiray.

Laakiin haddana dhinaca kale guddoomiyaha guddiga xaquuqda Aadaha ee dowladda Jabuuti Saleebaan Cumar Cudin ayaa VOA u sheegay in sarkaalkan ka tirsanaa Jabhada FRUD uu ku geeriyooday Isbitaalka.

‘’Ninkan Dhakhtarka ayuu yaalay oo daaweyn caafimaad ayaa u soctay, markii danbana halkaa ayuu ku geeriyooday’’ ayuu yiri guddoomiyaha guddiga Xuquuqda Aadanaha Jabuuti oo beeniyay in uu xabsiga ku dhintay Maxamed Axmed Jabha.

Guddomiye Cudin ayaa intaa darray in Talaadadii la soo dhaafay mar ay booqdeen xasbiga uusan ka mid aheyn maxaabiistii ay halkaa kula kulmeen iyadoo naloo sheegay ayuu yiri in uu yaalo isbitaalka, halkaana lagu daweynayo.

Arintan ayaa imaneysa xili xabsiyada dalka Jabuuti la sheegay in ay ku jiraan siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan mucaaradka dalkaas kuwaa oo siyaabo kala duwan loo xiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here