Guddoomiyihii Galgaduud oo Muqdisho lagu dilay

0

Koox hubeysan ayaa caawa xaafadda Carafaat ee degmadda Yaaqshiid ku dilay Guddoomiyihii Gobolka Galgaduud, Maxamed Daahir Cali Cilmi iyo nin la dhashay oo magiciisa lagu sheegay Eng Xasan Nuur.

Guddoomiyaha ayaa la sheegay in howlo shaqo uu u joogay magaalladda Muqdishu, halka warar kalena ay sheegayaa in qof kamid ah ehelkiisa oo xanuunsan uu u yimid.

Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana ciidamada dowladda ay xaafadda ka bilaabeen howlgallo xooggan, balse ma jirto cid losoo qabtay dilka.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada dilka labada marxuum.

10-kii bishii Janaayo ee sanadkan 2017, ayaa madaxweynihii maamulka Galmudug Cabdi kariim Xuseen Guuleed, waxaa uu Guddoomiyiha Gobolka Galgaduud u magacaabay Maxamed Daahir Cali Cilmi, waxaana xiligaasi lagu bedelay Xuseen Wehliye Cirfo oo ahaa guddoomiyaha gobolka Galguduud.

Xildhibaanno ka tirsan maamulka Galmudug ayaa ka tacsiyadeeyay geerida labada marxuum, waxaana Alle ay uga baryeen in Janadii Fardowsa ka waraabiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here