Turkiga oo deeqdii ugu badneyd geeyay Soomaaliya

0

Markab weyn oo sida raashin deeq ah tii ugu badneyd ayaa lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya.

Markabka oo ka yimid Turkiga, waxaana Dekedda Magaalada Muqdisho kula wareegay asiir kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka dowladda Soomaaliya Cilmi Cumar Ceysane.

Shixnada ayaa ka kooban 13 kun tan iyadoo ay soo dirtay Hay’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga iyo hay’adda Maareykanka Musiibooyibka ee Turkiga iyadoo loogy talogalay dadka abaaraha saameeyeen ee Soomaaliyeed.

Deeqdan ayaa la sheegay in la qeybin doono Gobolka Banaadir iyo maamul goboleedyadda, isagoona sheegay in ay kusoo aaday xilli loo baahnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here