Khudbaddii kululeyd ee Madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay Banaadir Stadium-VIDEO

0

Madaxweynaha DF Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay garoonka Banaadir Stadium, halkaa oo ay maanta isugu soo baxeen Kumannaan shacabka reer Muqdisho ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ku guuleystay fulinta balan-qaadyadii uu qaaday, isla markaana uu ka dhabeeyay sida uu yiri.

Khudbada Madaxweynaha ayuu kaga hadlay waxyaabihii uu qabsoomay, isagoo ka hadlay amniga, la dagaalanka musuq maasuqa, cadaalada, iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in amniga loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo, isla markaana shacabka iyo dowladda iska kaashadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here