Khaatumo oo ku biireysa Somaliland

0

Somaliland iyo Khaatumo ayaa heshiis ka kooban shan qodob ku kala saxiixday Hotel Ambasador ee magaalada Hargeysa.

Heshiiskan ayaa u muuqd in Maamulka Khaatumo uu ku biirayo Somaliland, sida ka muuqata qodobka 2aad oo qoraya: “In la helo Somaliland loo wada siman yahay”, waxaana lagu ballamay shir kale oo ka dhacaya 10ka July magaalada Burco.

Akhriso Qodobadda ay ku heshiiyeen

1-Somaliland iyo Khaatumo inay ku dedaalaan sidii afgarad buuxa looga wada gaadhi lahaa

2-In la wada qorsheeyo lagana wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa Somaliland loo wada siman yahay oo ku dhisan cadaalad, maamul wanaag iyo xaq dhawrista xuquuqal iinsaanka, ku dhisan diinta islaamka oo muwaadiniinteedu midna ku ahayn marti balse ay u wada siman yihiin.

3-In dastuurka somaliland la furo si loo xaqiijiyo awood qaybsi sugan oo cadaalada ku dhisan oo laga sameeyo madaxda golayaasha fulinta, sharci dejinta, garsoorka iyo hay’adaha dawliga ah.

4-In la sameeyo maamul daadejin heer gobol, degmo iyo magaalo lana qeexo mid walba awoodeeda.

5-In shir dambe layskugu yimaado 10-ka July laguna qabto magaalada Burco si lo odhameeyo wixii qabyada ah lagana tashado qaabkii iyo hanaankii loo qaban lahaa shir loo wada dhan yahay

Labada dhinac waxaa heshiiska u kala saxiixay Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland Sacad Cali Shire oo Somaliland u qaabilsan wadahadalka Khaatumo iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Khaatumo Maxamuud Shiikh Cumar oo isna Khaatumo u qaabilsan wadahadalka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here