IGAD oo ergay cusub u magacaawday Soomaaliya

0

Urur goboleedka IGAD ayaa ergay cusub u magaacabay dalka Soomaaliya, kadib markii uu xilka banneeyay ergeygii hore Maxamed Cabdi Afey.

Shir Madaxeedkii IGAD ee looga hadlay aaladda Koonfurta Suudaan, ayaa lagu ansixiyay magacaabidda ergeyga IGAD u qaabilsan Soomaaliya.

Dr. Maxamed Cali Guyo  ayaa loo magacaabay ergeyga IGAD ee Soomaaliya, halka Danjire Ismaaciil  Waceys loo magacaabay ergeyga IGAD ee Koonfurta Suudaan.

Ergeyga cusub ee IGAD u soo magacawday Soomaaliya ayaa ahaa diblomaasi ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya isagoo u qaabilsanaa dalalka Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here