Xaaf iyo Gaas oo heshiis gaaray

0

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa heshiis cusub ku gaaray magaalada Cadaado.

Heshiiska labada maamul oo ka dambeeyay kadib markii madaxweynaha Puntland ka qeybgalay  caleema-saarkii Madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa ku saabsan in la saameeyo ciidamo isku dhaf ah oo ka shaqeyn doona ammaanka magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug C/weli Gaas iyo Axmed Ducaale oo saxaafadda kula hadlay Magaalada Cadaado ayaa sheegay inay ka go’an tahay  xal u helidaa colaadda kGobolka Mudug.

Waxaa heshiiska labada maamul Goobjoog ka ahaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam. Labada maamul ayaa hore heshiisyo ugu kala saxiixday Gaalkacyo, Dubai, iyo Muqdisho, iyadoo fulinteeda aanay wax badan ka hirgelin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here