Urur diimeed laga mamnuuco Puntland (Dhegeyso)

0

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Faraweyne oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhammaan degaanada gobolka Nugaal laga mamnuucay Urur dimeedyadda Sida Al-Shabaab, Asaadicuuna  Bil-xaq iyo Takfiir.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in la bilaabi doono howlgallo ka dhan ah Kooxahaasi.

Kulan ka dhacay Magaalada  Garoowe ee Caasimadda waxaa la faray laamaha amniga in ay soo xiraan shakhsiyaadka iyo xarumaha taageeray ururkaasi.

Maamulka Gobolka Nugaal, maxkamadda ciidamada qalabka sida, taliska ciidamada la dagaalanka argagixisada iyo taliyayaasha qaybaha ee gobolka Nugaal ayaa kulanka ka qeyb galay.

Puntland ayaa laamaha Amni Fartay in ay tilaabo adag ka qaadaan Xubnaha ka tirsan urur diimeedka Saadicuuna Bil-xaq.

HOOS KA DHEGESO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here