Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay inuu dalku galay xaalad dagaal, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan hawlgallada ka dhanka Shabaab.

“Waxaan iclaaminayaa in dalka uu ku jiro xaalad dagaal, daagaalkana uusan noqon doonin mid hal dhinac ah. Waxaan amar ku siinnay ciidamada qalabka sida in ay heegan galaan oo ay ka qeyb qaataan nabadeynta dalka. Dagaalkan ma aha mid ciidamada oo kaliya ay qaadayaan. Waa mid aan rabno in ay shacabka garab nagu siiyaan.”

Madaxweynaha oo ku labisnaaa dharka ciidanka ayaa farriin u diray dhallinyarada Soomaaliyeed ee lagu khalday fikirka xagjirnimada ah, isaga oo u ballan qaaday in ay heli doonaan daryeel iyo soo dhaweyn haddii ay ka tanaasulaan falalka aragixisnimada ah.

HOOS KA DHEGEYSO

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here