Madaxweyne Farmaajo oo xaalad deg deg ah kusoo rogay dalka

0

Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay inuu dalka ku soo rogay xaalad degdeg ah oo dagaal.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dalka la geliyay degdeg ah, wuxuuna kooxda Alshabaab xubnaha ka tirsan siiyay muddo laba bilood ah oo ay dowladda isu soo dhiibaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wixii mudaddaasi ka danbeeya aanay jiri doonin cafis, waxaana uu ku dhawaqay dagaal wey oo ka dhan ah kooxda Alshabaab, kaasoo lagu qaadi doono fariisimaha Alshabaab iyo degaanada ay ka taliyaan.

Madaxweynaha ayaa la arkayay isagoo ku lebisan dareyska ciidamada, waxaana arrintan ay noqoneysaa tii ugu horeysay ee uu dagaal u caddeyso kooxda Alshabaab, inkastoo xiligii ololaha doorahada uu sheegay inuu waanwaaan la geli doono.

Ku dhawaaqista xaaladda dagaal ayaa u baahan inuu Baarlamaanku ansixiyo taasoo hadda aan ka muuqan madaxweynaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here