Jawaari iyo Xiddig oo isu sharraxay Guddoomiyenimada Baarlamaanka Somalia

0

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari iyo Xildhibaan C/rashiid Xiddig ayaa labaduba sheegay in ay u sharraxan yihiin xilka Guddoomiyenimada Baarlamaanka Soomaaliya.

Xilka oo qabashadiisa ay muhiimad gaar ah leedahay ayaa waxaa uu ahaa mid laga baqayay dhawaanahan, waxaana hadda muuqata ay beelaha qaarkood ay isu soo taageen, waxaana haddii midkood la doorto ay sahli doontaa ugu yaraan cidda noqoneysa madaxweynaha Soomaaliya. Tusaale ahaan haddii Prof. Jawaari oo ka soo jeeda Digil iyo Mirifle la doorto waxaa tartanka madaxweynenimada isugu soo haraya Hawiye iyo Daarood, halka haddii la doorto C/rashiid Xiddig ay tartanka madaxweynenimada ka hareyso beesha Daarood, sidaasna ay isugu soo harayaan beelaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle.

Taasi macnaheedu ma ahan in beesha Dir iyo beesha Shanaad aysan xilkaas qabashadiisa xaq u lahayn, laakin waxaa xoogaa ka tun weyn siyaasiyiinta xilka madaxweynenimada  u hanqal-taageysa ee seddexda beelood ee kale.

Marka la gaaro maalmaha doorashada guddoomiyenimada Baarlamaanka Soomaaliya loo asteeyay ee kala ah 11-ka iyo 12-ka bishan ayaa waxaa dhici doonta labo middood:

1- In la doorto mar kale Prof. Jawaari oo sidaasna saami-qeybsiga hoggaanka dalka loogu celiyo sidii uu ahaan jiray weligiis Soomaaliya oo xor ah, taasi oo ah in Guddoomiyaha Baarlamaanka lagu riixo Digil iyo Mirifle, halka Madaxweynahana ay u tartamaan Daarood iyo Hawiye, midkii ku guuleystana uu Ra’iisal Wasaaraha ka dhigo midka kale.

2- In Guddoomiyaha Baarlamaanka markan loo doorto C/rashiid Xiddig oo sidaasna Soomaaliya loogu jeexo qad cusub oo ah in beesha Daarood aysan hoggaanka dalka muhiimad weyn ku yeelan, ayna isla hoggaamiyaan Hawiye iyo Digil iyo Mirifle, taasina waa tan dad badan jeclaan lahaayeen in qabashada hoggaanka dalka wax laga bedelo oo xittaa beesha Hawiye laga wareejiyo qabashada hoggaanka dalka.

Xilka Guddoomiye kuxigeenka 1aad Baarlamaanka Soomaaliya waxaa illaa iyo hadda si cad isugu soo sharraxday Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye, halka Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad uu isna soo sharraxay Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here