Baarlamaanka oo go’aamiyay goorta la dooranayo guddoonka Baarlamaanka

0

Gudiga doorashada maalintii shalay looga dhawaaqay fadhigii saddexaad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay waqtiga kama danbeysta ah ee la qabanyo doorashada gudoomiyaha baarlmaanka iyo ku-xigeennadiisa.

Gudiga doorashada ayaa sheegay in 11-ka illaa 12-ka Bishan January, oo guddiga ay sheegeen in uu noqonayo waqtiga ay dhici doonaan doorashooyinka guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku-xigeennadiisa.

Guddiga ayaa sheegay in ay si wanaagsan u socto qabanqaabada  doorashada guddoonka baarlamaanka golaha shacabka,.

Ugu dambeyntii, doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya haddii ay dhacdo ayaa waxaa ku xigi doonta doorashada Madaxweynaha Soomaaliya taasoo la rajaynayo in la qabto inta aysan dhamaan bishan Janaayo ee 2017.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here