Majaajiliistihii Boon Xersi oo Hargeysa ku geeriyooday

0

Allah ha u naxariistee waxa xalay magaaladda Hargeysa ku geeriyooday majaajilistihii weynaa ee ku caanka baxay qosolka iyo madadaaladda Marxuum Xuseen Xirsi Caddib oo caan ku ahaa Boon Xirsi.

Boon Xirsi wuxuu ahaaa mu ‘allif curiyey heeso badan oo ay qaadaan fanaanniinta Soomaaliyeed, waxa uu ahaa majaajilista ay adag tahay in la helo noociisa oo kale, waxa uu illaahay hibo u siiyey matalaadda iyo jilidda hadba qof isku eekaysiinta, taas oo ay yar tahay cid la masaal ahi.

Haddii aan taariikhdiisa oo kooban idin soo gudbiyo, Xuseen Xirsi oo ku magac dheeraa Boon Xirsi waxa uu ku dhashay Magaalada Hargeysa hilaaddii 1950, waxaana uu ku soo barbaaray isla Caasimada Somalilnad Ee Hargeysa .

Boon Xirsi Magaciisa loogu wanqalay wuxuu ahaa Xuseen xirsi caadil balse waxaa ka awood batay magacisii uu Riwaayadaha ku meteli jiray ee Boon Xirsi Oo Badiba Dadka Soomaalidu u taqaanay.

Markii Boon Taabo galay waxa uu ka bilaabay shaqadisii u horaysay mid ka mida hutelada Hargeysa halkaas oo uu ka soo shaqaynaayay in muddo ah, kadib markii uu is ogaaday in uu wax Alifi karo isla markaana uu samayan karo Waxa uu ku soo biiray Bahda Fanka Waxaana ay Taariikhdu ahayd 1974, Riwaayadii u horaysay ee Ee uu ka qayab qaatayna waxay ahayd “Jacayl Waakane Kaalay” Oo uu lahaa Abwaan Axmed Saleebaan Bide waxaana uu ku matalaayay Digtoor.

Inkastoo Taariikhdiisa faneed aad u badan tahay oo aan la soo koobi Karin Riwaayadihii uu ku jiray, haseyeeshee mudooyinkii u dambeeyey waxa uu noqday nin naafo ka ah araga, iyadoo dhakhtaro badana la geeyey haseyeeshee ay adkaatay in uu dib u helo nuurkiisii ama aragiisii. Boon ayaa ahaa Alle Naxariistii jano ha ka waraabiyee Abwaanada ama majaajilaystayaasha Soomaalida kuwooga lugu jecelyahay Masraxadooda. Bahda Hiiraan Online waxay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaana Qoyskiisa iyo bahda fanka Soomaaliyeed ka tacsiyadaynayaan geeriddii ku timid Abwaan/Mu aluf Boon Xirsi, waxaana leenahay ilaahay janadiisa Fardowsa ha ka waraabiyo.

LEAVE A REPLY