Jilaa caan ah oo nin taageero u ah ka ammaahday lacag uu shidaal ku iibsado-VIDEO

0

Jilaaga reer Mareykan, Will Smith ayaa sheegay in isagoo gaarigiisa kaxeysanaya uu dareemay in uu shidaalka ka dhammaan rabo, kaddibna uu go’aansaday in uu kaalin shidaal ku leexdo, kaddibna waxaa dhacday in markii uu shidaalka ku shubo is-yiri in uu jeebabkiisa ka waayay boorsadiisii kaarka lacagta, taasi oo ka dhigneyd in uu guriga kusoo illoobay.

“Waxaan isku dayay in aan Xaaskeyga waco, laakin iyadana in ay isoo gaarto waxay ku qaadaneysay 30 daqiiqo, marka aniga oo la’ wax aan sammeeyo ayaa meel aan sidaas iiga fogeyn ka arkay nin qiyaastii da’da 30aad jira, waxaan is-iri ninkaas wuxuu noqon karaa taageerahaaga ee is-tusi, kaddibna ka amaaho lacag, markii uu i arkayay ayuu mar qura ku dhawaaqay magaceyga Will, kaddibna wuxuu iga codsaday in aan sawir wada galno, anna waxaan ku dhahay waxaan u baahanahay 10 dollar. Sawirradii ayaan wada galnay, kaddibna waxaan ku dhahay ninkii taleefoonkaaga ii qor, si aan lacagtaada kuugu soo celiyo, wuu iga diiday, wuxuuna igu yiri waa lacagtaada”ayuu yiri Will Smith oo ka mid ah jilayaasha Hollywood ee filimadooda aadka loo jecel yahay, isla markaana filimada ku jila malaayiinta doollar.

HOOS KA DAAWO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here