Gabdhaha K/Kolayga Banaadir oo ku guuleystay koobkii Maamul Goboleedyada (Sawirro)

0

Waxaa galabta lagu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe tarankii kubada K/koleyga gabdhaha maamul gobolleedyada oo ugu danbeyntii ay isugu soo hareen gabdhaha gobolka Banaadir iyo dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

Tartankan ayaa guud ahaan waxaa ka qeyb-galay gabdhaha kubada K/koleyga Maamulka gobolka Banaadir,Maamul goboleedka Hirshabeelle,Puntland iyo Galmudug.

Ciyaarta kama danbeysta ah oo dhacday ayaa  xiiso gaar ah laheyd, maadaama gabdhaha labada dhinac ay soo bandhigeen ciyaar xifaaltan ku dhisneyd.

Hase yeeshee waxaa ku guuleystey koobka gabdhihii u ciyaarayay gobolka Banaadir kadib markii ay ka dhaliyeen xulka Hirshabeelle 66 dhibcood halka ay Xulka Hirshabeelle ay keensadeen 46 dhibcood.

Munaasabadda lagu soo xirayay Tartankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Puntland,Xiriirka Kubbada Kolleyga, iyo xubno kale, waxaana koobkii la gudoonsiiyay Gabdhaha Gobolka Banaadir.

Ugu danbeyntii, hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa si adag uga hor yimid tartanka oo ay ku tilmaameen mid xad gudub weyn ku ah shareecada Islamaanka, inkastoo maamulka Puntland ay ka hor yimadeen  cambaareynta culimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here